Aabe Aadan Mooge Xirsi (Aadan Ingiriis) waxa uu jiilasha kale duwan ee Somaliland uga tagay dhaxal taariikheed oo wayn.
Muuqaaladii fiidhyowga ahaa ee uu ka duubay dagaaladii SNM iyo taliskii siyaad bare maanta waxay ka buuxaan social media aha qaybeheeda kala duwan. Youtube, Facebook iyo TikTok ayaa lagu share gareeyaa maalin kasta, dad badana ayaa daawada. In kasta oo dadka u dhuun daloola tariikhda SNM ama waayahaas goob joog ahaa si fiican u og yihiin hawsha wayn ee marxuumku taariikhda SNM kaga qayb qaatay, Laakiin magaciisa oon ku qornayn muuqalada darteed, dad badan oo daawada kana faaidaysta, khaasatan dhalinyarada, ma garan karaan cida uu yahay,
Aabe ujeedada uu u naftiisa halis ugu galiyay (inaad muuqaal ka duubto furin dagaal waa khatar wayn) ayaa ahayd inuu jiilasha danbe u reebo
Ujeedada Bogan ama websitekan ayaa ah in muuqaalada dhaxalka ah ee Aabe Aadan ka tagay iyo